Laakiin wax walba ayaa isbeddelay daqiiqadihii ugu dambeeyey, waxaana lagu kala kacay wada-hadallada, iyadoo uu Lionel Messi saluug weyn ka muujiyey qorshaha maaliyadeed, ciyaareed iyo saayiraadaha badan ee ay kooxdu ka doonayso.
Marca waxa uu sheegay in Barcelona ay hordhigtay Messi mushahar aad uga yar intii uu filanayay oo hore loo sheegay in kala-badh uu dhimayo intii uu hore u qaadan jiray balse ay kooxdu soo hor-dhigtay wax aanu meeshaba soo dhiganin.
Warka ayaa intaa ku daray, in Barcelona ay samaysay isbeddelka ka cadhaysiiyey Lionel Messi oo isaguna go’aankiisa ah in aanu qandaraas cusub u saxeexaynin la wadaagay Laporta.
Inkasta oo Barcelona ay lacag gaadhaysa 280 milyan oo Euro oo amaah ah ka helayso horyaalka La Liga, muddo 40 sannadood ahna ay lacagtaas iskaga bixin doonto, haddana waxa lama filaan noqotay in aanay gaadhin heerkii mushahar ee uu Lionel Messi ka doonayay oo ahaa kala-badh mushaharkiisii hore.
Warkan cusub ayaa sheegay in aanay hadda macquul ba ahayn in uu Lionel Messi heshiis cusub u saxeexo Barcelona, isla markaana ay xaaladdu u muuqato in la is-macasalaamaynayo oo uu soo dhamaaday waqtigii Messi iyo Barcelona ay wada-jirka ahaayeen.
0 Comments